Qabyaalada ha laga joojiyo War baahinta Somaliland)

0
103

Dugsi ma leh Qabyaaladi— waxay dumiso mooyaane

Ku :Saxaafada Somaliland.

Ku : Golayaasha Sharci dejinta.

Ku : Xukuumada Somaliland.

Runtii waa wax laga xumaado,laga naxo qaar ka mid ah Barmaamushada, shir jaraaida, wareysiyada,maqaalada iyo guud ahaan wararka kala duwan ,ee ay baahiyaan Saxaafada Somaliland sida Jaraaidka—TV-yada iyo Shabakadaha internet-ka,kuwaas oo aad moodo in ay ka muuqato :-

1. Erayo xambaarsan QABYAALAD,kala qaybin iyo iska horkeenid Bulshada reer Somaliland,kuwaas oo haddii ay sii socdaan dhib weyn u gaysan kara Shacabka iyo Qarannimada Somaliland.
2. Ma qurux badna in la buunbuuniyo cid kasta oo ka soo horjeeda Qarannimada Somaliland (Qarannimada waynu wada leenahay,ee cidna gaar uma aha)
3. Aflegaadada Madaxda Qaranka iyo cid kasta oo leh hab maamuus Qaran.
4. Waa ceeb,waa dembi in la soo bandhigo « Sirta Qarannimo »,arimaha ciidamada kala duwan iyo Waraaqaha iyo qoraalada u gaarka ah Xafiisyada Qaranka.

Talo soo jeedin :-

1. Waa muhiim in la helo,sharci kala hagaya Saxaafada iyo Qarannimada Somaliland,Sharci ay ku qoran yihiin waxa Ummadda loo baahin karo,dhaqan ahaan,Siyaasad ahaan iyo Diin ahaan.
2. Waxaa inagu soo fool leh Doorashooyin,culays weyn leh ,sida Doorashada,Golaha wakiilada,iyo Doorashada Madaxtooyada.Waa hubaan ,haddii arimaha aan kor ku soo sheegay ay sii socdaan in ay dhici karto dhibaato aan Shacabka iyo Qarannimada midna u wanaagsaneyn.

3. Saxaafada Somaliland waxaa ku haboon in ay Shacabka u baahiyaan Barmaamushyo tayo leh, Shacabkuna wax ka faaiidaysan karo.Saxaafada Somaliland waxay haysataa madaxbanaani buuxda,taasna macnaheedu maaha in aad baahin karto,wixii dhibaato u keenaya Bushada iyo Qarannimada Somaliland(SAXAAFADU WAA —- MADAXBANAANI— SHARCI–MASUULIYAD IYO TAFATIR.

Ugu dambayn waxaa ugu baaqayaa Shacabka Reer Somaliland,in ay ilaaliyaan Qarannimada Somaliland meelkasta oo ay joogaanba,gaar ahaan Shacabka ku nool Qurbaha waxaan ka codsanayaa in aanay dheg u dhigin kuwa War baahinta la soo fadhiista « Haddii aanu Reer hebel nahay »-

ALLAA MAHAD LEH

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here