Seefta Madaxwayne Siilaanyo Oo Mar Kale Dul Hoganaysa Qaar Ka Tirsan Masuuliyiinta Ugu Tunka Wayn Xukuumadda,Xil Ka Qaadis Iyo Isku Badal Lagu Samaynayo Iyo Magacyada La Hadal Hayo

0
57

(xogmadhaafe )Sida ay iftiimiyeen warar lagu kalsoon yahay oo xalay soo gaadhay xafiiska wargeyska Foore,madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa mar kale la filayaa inuu seefta la dhex qaado golihiisa xukuumadda iyada oola sheegay inay seetaasi doorkan la tagayso qaar kamida wasiirada ugu tunka wayn xukuumaddiisa,iyada oo dhinaca kalena la sheegay inay isku shaandhayntani kooban tahay isla markaana ay qayb kamida lagu saxayo waxii ka xumaaday tii hore,iyada oo sidoo kalena isku shaandhayntani raga la keenayo ay ku jiraan rag rugcadaaya oo hore xukuumadda ugu tirsanaa oo dib loo soo celinayo.

Warar madax banaan oo xalay wargeyska Foore soo gaadhay ayaa shaaca ka qaaday in isku shaandhayntani kale ay tahay oo qudha mid ku eeg golaha wasiirada isla markaana uu madaxwaynuhu ku eekaysiin doono wasiiro kooban oo awood badan ku leh xukuumaddiisa oo booska ay hayaan laga badali doono isla markaana meel kale la gayn doono,halka kuwo kalena toos shaqada looga caydhin doono oo lagu soo badali doono rag uu xisbiga KULMIYE danaynayo in xilal lagu taxo.

Xogaha wargeyska Foore helay ayaa tibaxaay in wasiiro  door ah oo xisbiga KULMIYE saluugsan yahay tayadooda iyo faramadhnaanta ay ka taagan yihiin deegaanadooda ay kamid noqon doonaan kuwa shaqada laga caydhinayo,waxaanay wararku sheegayaan inay isku shaandhayntani si gaar ah u taaban doonto wasiiro isku shaandhayntii dhawayd ka badbaaday oo wadnaha farta ku haya kuwaasi oo laga dareemayo shaqo maalmeedkooda isla markaana wax ka ogaaday qorshaha lala maagan yahay.

Qaar kamida wasiiradan ayaa walwal culusi soo waajahay waxaanay labadii maalmood ee u danbeeyey la arkayay qaar kamida wasiiradan oo ku laba noqonaya qasriga madaxtooyada kuwaasi oo isku dayaya inay ka badbaadaan seefta madaxwayne Siilaanyo.

Wararka kale ayaa sheegaya in isku shaandhayntan uuu ku jiro maareeyaha dekeda magaalada Berbera oo shaqada laga caydhinayo isla markaana dib loogu soo celinayo sida la sheegay maareeyihii hore ee dekeda magaalada Berbera Eng Cali Xoor-xoor.

Xogaha ayaa intaa ku daray in madaxtooyadu masuulkan xilka uga qaadayso  maamulo xumo laga soo sheegayo dekeda Berbera iyo shirkada DP World ee heshiiska xukuumaddu kula gashay in lagu wareejiyo oo la sheegay inay dalbatay oo ay aad u danaynayso in lagu soo celiyo  Eng Cali Xoor-xoor.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here