Shabaab oo sheegtay inay gacanta ku dhigeen Diyaarad Drone ah oo ku soo dhacday Gobolka Shabellaha hoose.

0
75

Ururka Shabaab ayaa Idaacada Andalus ee afkooda ku hadasha, waxa ay ka baahiyeen inay gacanta ku dhigeen Diyaarad nooceeda uu yahay Drone oo ku soo dhacday Gobolka Shabellaha hoose.

Shabaab ayaa sheegtay Diyaaradan inay ku soo dhacday deegaanka Bariire oo ku yaala duleedka Deegaanka NO.50, waxaana ay sheegeen in ciidamadooda ay qabteen kolkii ay diyaaradaasi soo dhacday.

Sida Shabaabka ay sheegteen diyaarada ayaa xilligii ay soo dhaceysay waxa ay dul mareysay deegaanka dushiisa.

Al Shabaab waxa ay sheegeen in Diyaaradaasi oo ku xirnaa qalabka wax duuba ee Kaamirooyinka ah inay qabteen ciidamo Shabaabka ka tirsan.

Dhowr mar ayaa Al Shabaab waxa ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen diyaarado noocooda uu yahay kuwa Drones-ka ah oo ku soo dhacay Gobolka Shabellaha hoose.

Ma cadda ilaa hada diyaaradan inay Shabaab qabteen iyo in kale, marka laga soo tago sheegashadooda, sidoo kale Shabaab weli ma aysan soo bandhigin Diyaaradan ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here