Shirkad Milix Iyo Sonkor Isku Dartay Si Ay Uga Iibiso Macaamiisheeda Danyarta Ah.

0
69

(xog news)-Shirkad laga leeyahay dalka Masar, ayaa baabuur kuwa xammuulka qaada ah ku rartay milix si ay sonkor ahaan uga iibiso dad ku dhaqan koonfurta caasimadda Qaahira, kadib markii dalkaas ay ka dhacday cunto yaraan xooggan.

Khiyaamadan oo kale ayaa lagu arkay isla magaalo ku taal Masar ah oo la yidhaa Beni Suef, iyadoo booliska dalkaas baadhitaan ku hayo ugu yaraan 30 tan oo sonkor iyo milix la isku qasay oo laga iibiyey dad dan yar ah.

Dadka laga iibiyey sonkorta iyo milixda la isku dhex qasay, ayaa dawladda uga cawday, taasoo keentay in si dhaqso ah loo xidho mulkiiliha shirkadda ka iibisay.

Warbixino la soo saaray, ayaa lagu ogaaday in bulshada ku dhaqan Masar ay isticmaalaan sonkor ka badan inta dalka laga soo saaro, taasina sababtay in loo baahdo sonkor dheeraad ah oo dibadda uga timaada, balse dawladda ayaa cashuurta ku dallacda sonkorta dibadda ka soo degta, taasina keentay in ay adkaato in ganacsatadu dibadda kala timaad cuntada sonkortu ugu horrayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here