Siyaasi Cabdi Haybe Oo Ka Hadlay Isku Shaandhayntii Madaxwayne Siilaanyo Ku Sameeyey Golahiisa Xukuumadda Baaqna U Direy Ganacsatada Siyaasadda Dalka Ku Dhex Milmay

0
58

(xogmadhafe)siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo kamida masuuliyiinta xisbiga mucaaraddka ah ee WADDANI ayaa ganacsatada kala duwan ee Somaliland kula taliyay inay dhex u ahaadaan xisbiyada qaranka oo aanay u kala hiilin.

Cabdi Haybe waxa kale oo uu ikri siyaasadeed oo jaban ku tilmaamay isku shaandhayntii u danbaysay ee uu madaxwayne Siilaanyo ku sameeyey golahiisa xukuumadda,isaga oo xusay inay ahaydd olole siyaasadeed.

Isagoo ugu horeyn Siyaasi Cabdi Haybe la hadlaya ganacsade Reer Jabuuti ah oo aanu magacaabay balse uu dagaal siyaasadeed ku hayo xisbiyada qaar ayuu yidhi m

“Odayga baayac-mushtariga ah ee Jabuuti joogay ee Isaaqa ah ee siyaasadda soo dhex galay ee xisbiyada u kala hiilinaya uma qurux badna,qofka baayac mushtariga ahna waxa u fiican inuu waxyaabahaas uu dibada ka ahaado inay xisbiyada u kala hiiliyaan oo xisbiyana wax siiyaan oo ay u hiiliyaan xisbiyana ay ka hiiliyaan oo aanay waxba siin waa xaaraan,balse iminka way ku dhex jiraan siyaasaddii xisbiyada,ha u badnaadaan KULMIYE iyo WADDANI oo rag ganacsato waa wayn ah oo reer Jabuuti ah ayaa olole ka dhex wada oo xisbina dhisaya xisbina duminaya,markaa ninka ganacsadaha ah waxa u haboon inuu is dhawro oo uu dhex u ahaado xisbiyada qaranka”

Siyaasi Cabdi Haybe mar uu ka hadlayay isku shaandhayntii ugu danbaysay ee uu madaxwaynuhu sameeyey ayaa yidhi
“Isku shaandhaynta uu madaxwaynuhu sameeyey waxay ka dhigan tahay sidii doorashada loo heli lahaa maxaa yeelay wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno aan loo baahnayn ayaa la magacaabay oo wasiiradii,wasiiro ku xigeenadii iyo agaasimayaashii ayaa ciida ka batay,magacaabistana waa codka reeraha isoo jabiyaee runtii looma magacaabin wasaaraddo loo baahan yahay loomana magacaabin baahi qaran oo keentay waana inta doorashada ka hadhay nin  walboow reerkaagii soo xaree oo KULMIYE ku soo xaree laakiin dadku caqli buu leeyahay oo maaha dadkii badawda ahaa ee maskaxda laga guumaysan jiray ,doorashadiina saddex bilood ayaa ka hadhay oo wasaaraddahan iminka la magacaabayaa  maaha wasaaraddo mustaqbalka sii jiraya balse jagooyin ama wasaaraddo ku meel gaadh ah mana ah wasaarado rasmiya,waana sheeko cayntan ah oo ku meel gaadh ah,nin raginna wuu garanaya,doqona loo sheegi mayo,wuxuu KULMIYE waddo. Hadal iyo gunaanadkii isku shaandhayntan la sheegayaa waa fashil siyaasadeed oo soo waajahay madaxwaynaha iyo xukuumaddiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here