Siyaasi Muniir Axmed Cigaal Oo Maanta Maxkamadda La Hor Keenayo, Isagoo U Xidhan Dano Siyaasadeed

0
86

Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ka mid ah saraakiisha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa la filayaa in maanta maxkamadda la hor keeno.

Muniir Axmed Cigaal oo khamiistii todobaadkii hore ay boolisku ku soo xidheen sifo sharci darro ah ayaa lagu eedeeyey inuu ka mid ahaa shakhsiyaad la sheegay inay dhaawac u gaysteen mid ka mid ah taageerayaasha KULMIYE.

88

Hase yeeshee Muniir Axmed Cigaal ayaa beeniyey dhamaan eedaymaha loo jeediyey sidoo kalena dadkii goob jooga ahaa qiray inaanu Muniir Axmed Cigaal ku sugnayn goobta shilku ka dhacay mana jirto wax cadaymo ah oo muujinaya inuu Muniir Axmed Cigaal ku lug leeahay kiiska loo haysto, balse taas bedelkeeda ayuu Muniir Axmed Cigaal xadhigiisa ku xidhiidhiyey arrimo siyaasadeed.

Afhayeenka Booliska Somaliland Faysal Xiis oo sabtidii warbaahinta la hadlay ayaa mar uu ka hadlayay xadhiga Muniir Axmed Cigaal, waxa uu been ka sheegay kiiska uu muwaadinkaniu xidhan yahay, isagoo sheegay inuu dambiile yahay oo uu nin dhaawac u gaystay, hadana isla hadalkiisa ayuu taliyuhu ku sheegay inay eedaha Muniir Axmed Cigaal loo jeediyey gacanta ku hayaan oo aan wax cad lagu hayn.

Maxkamadda oo hore u dhagaysatay kiiska loo haysto Muniir Axmed Cigaal ayaa sheegtay inaan la hayn cadaymo ku filan oo tilmaamaya inuu muwaadinkani muwaadin kale dhaawac u gaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here