“Somaliland Cid U Talisa Ayay U Baahan Tahay Ee Cid U Abtirisa Uma Baahna,Umana Baahna In La Miiqo Siibo Sida Basasha”Xasuusta Weedhihii Daahir Riyaale Kaahin Oo Shacabku Maanta Arkayaan

0
59

(xog news)Madaxwaynihii hore ee Somaliland Md Daahir Riyaale Kaahin ayaa wakhtigii uu mucaaradkiisa ugu adag ahaa madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo oo hogaaminayay xisbiga KULMIYE wuxuu hal hays u lahaa in Somaliland u baahan tahay cid u Talisa ee aanay u baahnayn cid u abtirisa.

Madaxwayne Riyaale hadalkaas wuxuu ula jeeday xisbiyadii mucaaradka oo uu ku eedayn jirey inay shacabka Somaliland kala qaybinayaan,waxaanu shacacbka uga digi jirey inay doortaan hogaamiye kala qayb qaybiya

Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa shir jaraa’id uu qaabtay 13 bishii September ee sanadkii 2009-kii waxa uu ka digey in ay shacabku ka feejignaadaan siyaasi wata dan damac siyaasadeed oo uu ku doonayso inay kaga faa’idaysato Riyaale wuxuu yidhi

“waxaan leeyahay shacab waynaha ninka idin jecel ee dalka jecel waa ninka yidhaahda wada jira,ninka idin necebina waa ninka kala taga idin yidhaahda,hore Ayaan u idhi Somaliland cid u Talisa ayay u baahan tahay ee cid u abtirisa uma baahna Somaliland-na maanta cid u talisa ayay u baahan tahay”

Daahir Riyaale oo hadalkiisa sii wata kana digaya kala qaybinta wuxuu yidhi

“Bahashu way qurux badan tahay laakiin hadii la dhilo dabaylaha ayaa kala qaada marka danbena la isukuma soo celin karo Somaliland waa in laga ilaaliyaa in loo miiq siibo sida basasha oo dadkeeda la isku fitneeyo”

Hadalkan madaxwaynihii hore ee somalilan Daahir Riyaale ayaa noqday mid hadal hays u noqday shacab badan oo dib u qiimeeya khudbadihii uu jeedin jirey oo ay ku jireen hadalo badan oo xikmad noqday oo aan waagaas la dareensanayn balse intii uu talada kasii maqnaa aad loo ogaaday qiimahooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here