Suldaan Maxamed Muuse Cune Oo Dhaliilo Culus Usoo Jeediyay Xukuumadda Somaliland Kana Jawaabay Hadalo Kasoo Yeedhay Wasiirka Maaliyadda Somaliland

0
89

Suldaan maxamed muse cune oo ka mid ah saaladiinta gobolka togdheer oo shir jaraaid ku qabtay magalada burco ayaa si adag uga hadlay hadal kasoo yeedhay wasiir samsam kuna eedayay inay lunsatay hantidii ay u haysay shacabka.

Suldaanka oo warfideenka gobolka togdheer ugu waramayay magalada burco ayaa sidoo kale ku eedayay inay  deegaan gaar ah u xidhay maaliyada dalka oo wasaaradda ay hayso noqotay meel lagu boobo dalka laguna dulmiyo  umada danyarta ah.

Suldaanka oo arimaahasi ka hadlayaana waxa u ku bilabay hadalkiisa sidan  ” waxaan shacabka somaliland ka tacsidaynayaa hadalkii saliilyada lahaa  ee kasoo yeedhay wasiir samsam iyada oo lagu jiro xaalad abareed,waxaan leeyahay waxa nasiib daro ah isaga oo u marayo masuulkii ugu sareeyay dalka, ee madaxwaynahii wadanka u marayo ee ay la socdaan wasiiradiisi jeclaa ee qaarkood ka daba ooyi jireen inuu galo shir beleed,oo loogu yeedho oo wasiiradii ugu miisaanka badnaa uguna muxaafadsnaa dibada loga saaro,”

Suldaanka oo hadalkiisa sii watana waxa u yidhi”hadalkii ay samsam ka jeedisay shirkan waxa lagu sheegi karaa ama lagu sifayn karaa aafo qaran hadalkaasi waxa u ahaa aafo qaran waa markii ugu horaysay ee tolaay yaa hebalaay iyo na doortaay oo ilaa kotankiibaanu xulufo ahayneey madal laga jeediyo oo tviga qaranka laga soodaayo oo lagu soo celceliyo waa nasiib darro”

Mar uu suldaanku ka hadlayay in laba beelood dalka u tashadaan inay u taliyaan ayaa waxa uu yidhi ” in laba beelood oo ilaa kotonkii ay u shuraakoobeen inay dalka u taliyaan sida ay ka dhawaajisay wasiir samsam ee ah inay dalka u taliyaan,markaa samsam waxaan leeyahay beeshina marka laga tago beelihi kale ee u codeeyay silaanyo maxay ahayeen ma qaar lasoo kiraystay, ma beenbay usheegeen waxaynu ogsoonahay in madaxwayne silaanyo ay u codeysay boqolkiisa sideetan(80%) reeraha kale,arrinkaasi waxa ay nasiib daro ku tahay ciidi u codaysay madaxwaynaha ee soo saartay ee hadh iyo habeen u socotay ee u halgamayay waxaan idin sheegi karaa inu hadalkaasi yahay been anigu ka suldaan ahaan waxaan ahaa xisbiga kulmiye shakhsigii tobnaad ee aasaasay ayaan ahaa beesha samsam-na maan ahayn markaa taasi waxa ay ahayd mid af ka wayn ayuu ahaa “

Suldaanka ka jawaabay hadalo kasoo yeedhay siyaasiyiin difacayay wasiir samsam ayaa waxa u idhi ”qaar tageersan samsam oo lacag kaga doonayay ayaa lahaa hablo tageersan samsam ayaan soo diri doonaa,waxaan u malaynayaa dhaqanka isaaq iyo dhaqanka islaamkaba ceebay ku ahayd in hablaha lasoo diro, markaa samsam waxay daaha ka qaaday waxbadan oo umada ka dadnaa wadankana ka socday”

Suldaanka ayaa wasiir samsam ku eedeeyey inay kaalinta koowaad kaga jirto musuq-maasuqa dalka ka jiro waxaana uu  idhi   ”Musuqmaasuqa hadheeyay dalka ayaa waxa ka kow ah samsam,laba waxa ka ah madaxwaynaha,saddax waxa ka ah islaamaha badan ee taliya ee faraha badan ee meesha jooga, waxanad ogtihiin in wadanka ay ka jirto cadaalad daro baahsan hadaan kasoo qaado waxbarashada oo kale waxa gabilay ku yaala 16 iskuul oo ka furan gabiley waxay ku qalabaysan yihiin kombutaro,waxanay mamulayaasha iskuladaasi mid kasta ay siisay dawladu gaadhi,wasiirka waxbarashada oo socdaal ku yimid mar wax laga waydiiyay arintaas oo la waydiiyey iskuladani malaha kombuyuutaro, iskuladani kuraasi malaha oo kuwan ajabjabtay malaha wax lagu badalo maxaad u haysaa waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo  gabilay iyo laascanod oo kale”

Suldaanka oo ka hadlayaa abaarta adag ee ka jira gobolada bariga somaliland ugana magac daray kulmiye ayaa ku eedayay wasiir samsam inay mashruc kusoo qadatay dadka abaraahu ku habsadeen waxaana uu yidhi ”dalka waxa ka jiray abaaro adag gaar ahaana gobolada bariga markaa ana waxan u bixnay abaartan kulmiye samsam waxanay ku soo qadatay mashruuc dadka tabaalaysan wasarada maaliyada waxay nooqday goobti lagu boobayay dalka ee lagu dulmiyay shacabka waxa weeye oo aad ogsoon tihiin in buugaagtii wasaaradda waxbarashadu ka ibinayso ardayda oo kii iibsan waayana iskuulka laga saarayo waxaad ogtihiin in wax kasta ay barareen”ayuu ku soo afmeeray suldaanku hadalkiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here