Tababaraha Barcelona Oo Bar-barihii Xalay Ku Eedeeyey Laacibka Kooxdiisa Arda Turan.

0
68

(xog new)-Tababaraha kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa saxaafada la hadlay ka dib kulankii El Clasico ee barbaraha ku dhamaaday, waxaana uu u muuqday mid eedeynaya xiddiga khadka dhexe ee Turkiga Arda Turan.

Waxa uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id ee ka dib ciyaarta in Real Madrid ay halis ku yihiin kubada dhintay sida laadadka xorta ah iyo koornooyinka. Waxaana uu weerar ku qaaday Arda Turan kaasoo sabab u ahaa laadkii xorta ahaa ee keentay in Real Madrid ay barbareyso ciyaarta markii Sergio Ramos uu kubad madax ku dhaliyay.

“Ciyaar sidaan u weyn, waa ay adag tahay in la koontaroolo wax walba, laakiin mid ka mid ah astaamaha Madrid ayaa ah awooda ay u leeyihiin inay ciyaaraha barbareeyaan daqiiqadaha dhimashada. Maanta taasi waa ay sii socotay. Gurigeena ayaana ku qasaarnay, ma jirto wax intaas ka badan” ayuu yiri.

“Waxaan u sheegay inaysan qalad gelin, weliba haddii ciyaaryahan Madrid ah uu dhabarka xejiyo goolka. Awaamirtaas waa ay cadaayeen, awaamiirta tababarayaasha waa mid qeexan.”

Enrique ayaa markaas hadalkiisa qaboojiyay isagoo sheegay in kaliya Turan qaladkiisa aysan aheyn, islamarkaana loo baahnaa inay koox ahaan wax u difaacdaan.

Turan ayaa dhamaadkii ciyaarta waxa uu galay qalad taasoo keentay in Luka Modric uu kubad halis ah u soo qaado xerada goolka iyadoo Ramos uu madax ku dhaliyay goolka barbaraha.

Turan ayaa waqti adag ku qaadanaya Barcelona iyadoo dad badan ay soo jeedinayaan inuu bixi karo xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here