Toban Arrimood oo Fidel Castro u Galay Diiwaanka Taariikhda Afrika

0
67

Mr. Fidel Castro oo dhawaan geeriyooday, ayaa noqday masuul taariikhda ku galay waxyaabo uu sameeyey muddada uu dalkaas xukumayey oo ahayd bishii January 1959 ilaa February 2008, isagoo markii dambe xukunka ku wareejiyey walaalkii ka yar Mr. Raul Castro, kadib markii caafimaadkiisu xumaaday.

Intii uu xilka amma awoodda dalkaas haystay waxa uu xidhiidh wanaagsan la lahaa hoggaamiyayaal badan oo Afrikaan ah iyo rag xorriyad amma madaxbannaanida dalkooda u dagaalami jiray, sida Kwame Nkruma oo Ghana ah, Nelson Mandela oo Koonfurta Afrika ahaa, Julius Nyerere oo Tansaaniya ahaa iyo Augustinho Neto oo Angola ahaa.

7

Hoggaamiye Fidel oo geeridiisa lagu dhawaaqay 25 November 2016, isagoo 90 jir ah waxa jiray waxyaabo gaar ah oo u galay diiwaanka taariikhda Afrika oo ay shabakadda Maankaab idiin soo gudbinayso ayay ka mid ahaayeen tobankan arrimood:

 Faragelintii Millateri ee dalka Angola

 Bishii November ee sannadkii 1975kii, waxa uu Fidel Castro  ciidammo gaadhaya 36,000 (36 kun) oo askari  u diray dalka Angola si uu ugu taageero dalka faragelin millateri oo kaga imanaysay dhinaca waddanka Koonfur Afrika, kadib markii uu dalka Koonfur Afrika weerar ku qaaday dalka Angola.

Waxa waqtigaas uu ururka MPLA ogolaaday in ururka SWAPO (South West African People’s Organization) uu xarun millatri ka samaysto xuduudka ay Angola la leedahay dalka Namibia. SWAPO waxa uu ahaa urur u dagaalama madaxbannaanida gobolkaas, gaar ahaan Namibia, iyagoo taageero ka helaya Angola.

Waxa Dhiirigelin ka helay Mandela

Intii uu Nelson Mandela ku guda jiray 27 sannandood ee ku qaatay xabsiga ku yaal Jasiiradda Robben Island, waxa uu Nelson Mandela dhiirigelin ka helay buug kacaaneed uu qoray Castro. Markii Nelson Mandela xabsiga laga sii daayey sannadkii 1990 waxa uu yidhi; “Waxa aan maanta aqoonsanahay wanaaga aan u hayno dadka reer Kubba. Ma jiro dal kale oo sida Kubba tusay Afrika in isku kalsoonida dal ahaaneed wanaagsan tahay.”

Waxa uu ciidan ku Taageeray dalka Itoobiya Dagaalkii ay kula Jirtay Soomaaliya

Bishii February ee sannadkii 1977, ayaa Fidal Castro waxa uu kun askari ku caawiyey Itoobiya si ay uga saarto ciidammadii Soomaaliya ee qabsaday Gobolka Ogadeeniya amma Kililka Shanaad hadda loo yaqaan. Markii ciidammada Soomaaliya ku guulaysteen in ay dhulkaas qabsadaan, ayaa Haile Mariam oo hoggaaminayey ciidammada Itoobiya uu u qaylo-dhaan dirsaday Fidal Castro, taasina ay keentay in ciidammada Soomaaliya dib looga soo saaro dhulkaas

Soomaalidu way Necbayd:

Bulshada Soomaalida intooda badan ee aqoonta u lahaa Fidel Castro waxay ku eedeeyaan inuu masuul ka ahaa burburinta Soomaaliya iyo waliba dadkii ku naf waayey dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya dhexmaray sannadkii 1977kii.

Waxa soo baxday dhaleecayno iyo cambaarayn badan oo ka soo yeedhayey Soomaalida markii uu geeriyooday bishan, kuwaasoo ku eedaynaynayey inuu ahaa nin dhul ballaadhsi iyo gumaysi jeclaa.

Hoggaamiyaha mucaaridka Kenya Mr. Raila Odinga oo wiilkiisa ugu magac Daray Castro:

Hoggaamiyaha Mucaaridka ugu rabshada badan dalka Kenya ee Raila Odinga, in badanna lagu naanayso xorriyad u dagaallanka, ayaa sheegay inuu wiilkiisa u bixinayo magaca hoggaamiyihi geeriyooday ee Kubba Mr.  Fidel Castro. Waxa uu Raila Odinga xusay in Castro uu aad u jeclaa oo uu ahaa haldoor uu ku daydo, taasina sabab u noqotay inuu 1973kii inankiisa u bixiyo Fidel.

Taageeradii Caafimaad:

Hoggaamiyihii Kubba waxa uu bilaabay inuu taageero caafimaad u fidyo dalal Afrika ka mid ah. Sannadkii 1963kii waxa uu dhakhaatiir u diray dalka Algeria si ay u daweeyaan dagaalyahanno ku dhaawacmay dagaal ay kaga soo horjeedeen gumaystihii Faransiiska. Waqtigan waxa jira in ka badan 1,5000 xirfadlayaal caafimaad ah oo ka hawlgala dalka Woqooyiga Afrika. Waxa jira dalal kaloo dhakhaatiir uu u diray sida Ghana, Tansaniya, Mosaanbiig, iyo Guinea Bissau. Dhakhaatiirta Jasiiradda Kubba waxa ay door muhiim ah kaga jireen la-tacaaladii iyo ka hortagii cudurka Ebola ee galbeedka Afrika ka dillaacay…la soco…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here