Ugu Yaraan Saddex Masuul Oo Ka Cudur-daartay Xilalkii Xalay Madaxwayne Siilaanyo U Magacaabay

0
74

(xog news])Ugu yaraan saddex Xubnood oo ka mid ahaa Xubnihii uu xalay Madaxweynaha Somaliland Xilalka u magacaabay ayaa ka cudur-daartay, kadib markii ay sheegeen inaan wax la tashiya lagala samayn Xilalkii uu Madaxweyne Siilaanyo u igmadday.
Maxamed Axmed Caalin (Tiimbarro), oo uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo u magacaabay guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ayaa ka cudurdaartay Xilka badhasaabnimada, waxaannu sheegay inaanu ku qanacsanayn talaabaddaas.

Mudane Tiimbaro ayaa waxa uu sheegay inaan lagala tashan Xilka badhasaabnimada gobolka Maroodi-jeex, sidaa awgeedna waxa uu sheegay inaanu wakhti xaadirkan diyaar u ahayn jagaddaas.
Sidoo kale, Khadar X. Yuusuf Cabdillaahi oo isaganna loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa la sheegay innuu ka cudur-daartay xilkaas uu Madaxweynaha Somaliland u magacaabay.
Sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo si dhaw ula socday Mudane Khadar X. Yuusuf Cabdillaahi, waxay noo tibaaxeen innuu Mudane Khadar uu xilkaas ka cudurdaartay, isla markaanna diyaar u ahayn uu xiligan qabto Maamulka Wasaaraddaas cusub.
Ugu dambayn wasiir kuxigeenkii loo magacaabay wasaaradda kalluumaysiga Cabdiqaadir Dhago-wayne ayaa ay wararku sheegayaan inuu ka cudur daartay xilkaaasi loo magacaabay isagoo sheegay inaanu wax war ah ka hayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here