WADDANI Oo Cambaareeyey Isku Shaandhayntii Madaxwaynaha Iyo Xil Ka Qaadistii Baashe Cali Jaamac

0
74

Xogahayaha guud ee Xisbiga Mucaarad ah ee WADDANI Maxamed C/laahi ayaa ka haddlay isku shaadhaynta uu xukuumaddiisa ku someeyey, waxaanu sheegay in uu Madaxweyne Siilaanyo ballan-qaadiisii uu hore u sheegay uu beeneebay,kaas oo ahaa in uu Xukuumadda tirro yar dhisi-doono.

“Madaxwayne balanqaadkii aad umaddan u balan qaaday inaad dhisi doonto dawlad tiro yar oo tayo leh,waxay kasoo horjeedaa horumarkii iyo waxqabadkii umaddan looga baahnaa dawlad tiro yari inay wax u qabato oo tiradoodu ay kooban tahay oo tayo leh aadbaanu uga xunahay”sidaas ayuu yidhi mudane Uur-cadde,Ayuu yidhi Maxamed C/laahi uuracade

Xogahayaha guud ee Xisbiga WADDANI oo haddalkiisa sii wata ayaa sheegay in agaasimayaasha iyo wasiirada ay siilaanyo isku beesha yihiin ay ka sareeyaan wasiirada kale“ Waxaanu runtii u aragnaa uun qaabka wax loo badalay baa iyaduna ah marka aad eegto golaha wasiiradda oo kale, waxaad mooda xukuumadda maanta jirta ama ay tahay in agaasimayaasha qaarkood ka sareeyaan wasiiradooda iyo in wasiirada qaarkood ay ka sareeyaan wasiirada kale ee la midka ah ee digreetada lagu wada magacaabay “sidaas ayuu yidhi Maxamed Uur-cadde.”Ayuu yidhi Uurcade

0

Dhanka kalena Xogayaha guud ee xisbiga WADDANI ayaa ka haddlay xilka qaadista wasiirkii wasarada biyaha  Baasha Cali Jaamac iyo wasiirkii shaqada iyo arimaha bulshada Cumar Sh, Maxamed Faarax”Hadaan tusaale u soo qaato Baashe Cali Jaamac oo kale Cunar yare oo kale,Runtii waxaanu u aragnaa Baashe Cali Jamaac in lagu gafay inuu ahaa ninkii diiwaangalinta bari ka sameeyey umadda reer Somaliland oo dhan ayaa  og inuu ahaa nin karti leh inuu ahaa nin dadkan iyo dalkanba daacad u ah waxa lagu badalayna ay tahay waxa ay is diideen cid kamid ah wasiirada, cumar yare laftigiisa wixii lagaga bedelay madaarka waxa lagu haystay uun,”ayuu yidhdi Maxamed C/laahi Uurcade.

Gunaandkii Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI ayaa ka haddlay xadhiga ugaas C/raxmaan Diiriye:

“Ugaas C/raxmaan Diiriye  iyo siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo runtii si sharci darro ah oo ka baxsan nidaamka dowlad-nimo  iyo shuruucda qarankani uu leeyahay oo saldhiga ku xidhan oon maxakamada la keenin oo ilaa maanta dadkiina loo diidanyahay in ay u galaan aad iyo aad ayaanu u cambaaraynaynaa,waxaanu xukuumadda ugu baaqaynaa  in ay madax-dhaqameedkaa qaranku leeyahay iyo siyaasiyiintaa Xisbiga WADDANI ka tirsan ee uu Muniir kamid yahay  in si dhakhso ah loo soo daayo,”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here