“Wasaaradda Iminka La Sameeyey Ee La Doonayo Inay Saddex Bilood Ku Shaqaysaa Maxay Dadka U Qaban Kartaa” Ismaaciil Hurre Buubaa

0
57

“Wasaaradda Iminka La Sameeyey Ee La Doonayo Inay Saddex Bilood Ku Shaqaysaa Maxay Dadka U Qaban Kartaa” Ismaaciil Hurre Buubaa

Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah saraakiisha xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay isku shaandhayntii uu Madaxwaynuhu dhawaan ku sameeyey golihiisa wasiirada iyo qaybaha kale ee xukuumadiisa.

Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa isku shaandhayntii Madaxwaynaha ku macneeyey mid qiimo beeshay oo muujinaysa xikmad la’aan, waxaana uu sidoo kale caqli xumo ku tilmaamay wasaaradaha cusub ee wakhtigan la soo kordhiyey, isagoo sheegay in dhamaan shaqo gaynta iyo shaqo eryidan looga gon leeyahay arrimo siyaasadeed iyo olole xisbi, mar uu arrinkaas ka hadlayayna waxa uu yidhi:

unnamed-3

“Isku shaandhayn maan arkayne waxaan arkayay wax la isku dhex walaaqay oo aan si wanaagsan u shaqaynayn, waxaanad moodaa sida madaxtooyada loo maamulayaa aanay ahayn sidii  danta umaddu ku jirtay oo aad moodo  si qas ah, oo wax kastaaba is dhex yaacayaan, dad la leeyahay waa la magacaabay oo iyaguna leh maxaa na loo magaacaby warba kama haynee kolkaas waxaa halkaas ka muuqata inuu khal-khal madaxtooyada ku dhex jiro, dhibaatooyinka maanta dalka ka jira aan u babac dhigi karayn oo loo baahan yahay isbedel iyo madaxtooyo oo ku filan wixii Waddanku u baahan yahay, si wanaagsana u darsi karta dadkana u soo dhigi karta waxay ku qancaan, maanta waxaynu taaganahay in xitaa dadkii Madaxwaynuhu magacaabay ay yidhaahdaaan xilalkaas anagu ma qaban karno, waxay muujinaysaa baaraan deg la’aan, midbaa taas ka sii daran waxaynu ognahay in dawladda wakhtiga u hadhayba uu bilo yahay, waa maxa wasaaradda aan hore loo maqal ee iminka la magacaabayo ee la doonayo saddex bilood inay ku shaqayso waxay dadka u qaban kartaa waa maxay, waxaa muuqata inaan shaqo io wax qabashaba loogu talo gelin ee ay tahay arrimo siyaasadeed iyo wax lagu kaambayn garaynayo”

Sidoo kale Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa sheegay inay isku shaandhayntii u dambaysay soo bandhigtay in madaxwaynihii talada laga maroorsaday isla markaana ay shakhsiyaad kale ku dhereg dhacsanayaan maamulka dalka, waxaana uu xusay in dadkaas u badan yihiin qaar aa khibrad u lahayn maamulka iyo dawladnimada, waxaana uu yidhi:

“Madaxwaynihii oo taladii laga maroorsaday meesha way ka muuqataa, waxaad moodaa dad aan waxyaabo badan ka baaraan-degin ay maamulkii maroorsadeen, dhaleecayn sidaas ahina waxay inoo taraysaa ma jirto, waxaynu doonaynaa inaynu dalkeena hagaajisano, waxaana muuqataa inaanay dawladda jirta iyo xisbiga jiraa inaanay kartidii iyo aqoontii meesha oolin, markaa marka uu qas yimaado waxaad moodaa in udub dhexaadkii kala saari lahaa ee kala hufi lahaa uu meesha ka maqan yahay, oo dad aan khibrad io cilmi u lahayn ay siday doonaan ka yeelayaan iskuna qab-qabsanayaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here