Wasaaradda Warfaafinta oo Sheegtay Inay Dejinayso Siyaasadda Warbaahinta Qaranka FEBRUARY 18, 2015

0
80

Wasiir-Cukuse

Hargeysa (Xogmadhaafe.news)-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa shalay furay kulan lagaga hadlayo sidii loo diyaarin lahaa siyaasadda ay ku shaqayn doonaan qalabka warbaahinta qaranku.

Kulankan oo maanta lagu qabtay xarunta wasaarada ayaa waxa ka soo qayb-galay Agaasimaha Guud, agaasimeyaasha waaxaha iyo qaybaha ay ka kooban tahay wasaarada warfaafintu.

Wasiirka Warfaafinta oo halkaa ka hadlay ayaa waxa uu magacaabay guddi soo dejin doonta siyaasadii lagu hagi doono warbaahinta qaranka, isla markaana soo qiimayn doonta barnaamijyada iyo wararka ay tabiyaan hay’adaha warbaahitnta dawladdu.

“Kulankan ujeedadiisu waxa weeyaan dalkeennu isagoo 24 sanadood jira siyaasada warbaahinta qaranka, wali lama qorin, waxa aan doonayaa oo Guddigiinan xilkooda ka mida in aad qortaan siyaasada lagu hagayo warbaahinta qaranka ee aynu ku shaqaynayno,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Wasiir Cukuse waxa uu tilmaamay in ay sameeyeen qorshihii shanta sanno ee lagu hagayay wasaarada Warfaafinta, waxaanu yidhi “Waxa aanu samaynay qorshihii lagu hagayay wasaarada shanta sanno ee soo socota, waxaanan doonaynaa in aad dib u akhridaan qorshahaas oo marka dambana aynu fulino.”

“Waxa aanu doonaynaa in aad qiimaysaan oo aad barnaamijyada ka baxa Telefishanka qaranka Wareyska DAWAN iyo wakaalada wararka oo aad bartaan gal-daloolada uu leeyahay barnaamijyada ay tabinayaan oo warbixin ka diyaarisaan qiimaynta markaa waxa inooga soo bixi doona in rag meelo ku waaaweynaa in la kabo iyo qaar aynu u aqoonsano in la bedalo iyo qaar aynu u aqoonsano inay u qalmayaan in meel kale la geeyo,”ayuu intaas ku daray Wasiirka Warfaafintu.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu ammaanay DAWAN Media Group oo uu tilmaamay in ay yeelatay madbacad isla markaana tahay wargeyska ugu bogaga badan isla markaana ah ka kaliya ee midab leh ee ka soo baxa caasimadda Hargeysa, waxaanu yidhi “Waxa aynu soo kordhinay in Wargeyska DAWAN uu Madbacad yeesho oo dhawaan loo furayo, wargeyskaasi uu yahay ka kaliya ee dalka ka soo baxa ee midab leh Colour) ah, waana wargeys bogagiisu yihiin 12 Bog, halka wargeysyadda kalena ay yihiin sideed Bog.”

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay la Taliyaha Wasiirka Warfaafinta Xuseen Cali Nuur, oo ka waramay ahmiyadda hawsha loo xil saaray Guddigooda iyo baahida qaranku u qabo, waxaanu Wasiirka uga mahad celiyay fikirka uu la yimid.

Xogmadhaafe.com/Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here