Wasiir Cadami Oo Ka Hadlay Baadhitaankii Amni Ee Wasiirka Biyaha Somaliland Iyo Khilaafka Ka Dhexeeya Madaxtooyada Iyo Wasiirka Biyaha

0
33

(xog news)Wasirka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa ka hasdlay falkii doraad lagaga hor istaagay wasiirka biyahaBaase Cali Jaamac inuu galo shirka todobaadlaha ah ee wasiirada,kadib markii ay ciidanka madaxtooyadu wasiirka u sheegeen inay baadhayaan.

Wasiir Caddami wuxuu kamid ahaa laba wasiir oo kala dhex galay wasirka iyo ciidanka,iyada oo uu wasiir Baashe Cali Jaamac si cad u sheegasy in madaamada uu huwan yahay xasaanad aan laa baadhi Karin isagoo sidaas kaga noqday shirkii golaha wasiirada oo anau ka qayb galin.

Wasiir Caddami wuxuu sheegay in arrinkaas la galay isla markaana ay is arkayaan madaxwayne Silaanyo iyo wasiir Baashe Cali Jaamac,isagoo wasiir Caddami sheegay inuu jiro khilaaf u dhaxeeya wasiirka biyaha Somaliland iyo wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi.

Wasiir Caddami waxa uu arrinkan kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyskaGeeska Afrcia,waxaanuu isagoo ugu horeyn ka hadlay waxii dhex maray wasiirka biyaha iyo ciidanka madaxtooyada uu yidhi

“Hadii laga shakiyo ama aad wax sidatao,askartas madaxtooyada ee amaanka qaabilsan way ku odhaan karaan hub ayaad sidataa ee aan ku xaqiijino,labadaba way iman kartaa oo mar hadii uu wasiirku diido buuq iyo rabshadd looma baahnee waddo lagu kala baxo iyo madax baa joogta oo madaxtooyadii joogta oo la iskula tagayaa,markaas mark ka faa’idaysi aan loola jeedi ee siduu yahay loo sheegayo ninkaas (wasiirka biyaha ) wuxuu isagu ku adkaystay madaama oo u xasaanadna leeyahay oo uu wasiir yahay in aanu baadhitaan ogolayn dee Meesha madaxdiiayaa joogta oo madaxwaynuhii ayaa ugu sareeya hadii aan sabab la isheegin ma yeelayo”

Wasiir Caddami ayaa mar uu ka hadlayay halka uu ku danbeeyey khilaafka wasiirka iyo madaxtooyadu ayaa yidhi

“Arrintaas waa la iska arkay anagana ayaa iska aragnay waa la is raacay oo uu ogolaaday gurigiisii buu ku noqda,hadii uu baadhitaan jiro iyo hadii aanu jirinba sheekadii halkaas ayay kusoo afjarantay,dabadeedna waa la balamay,haddana waa caadi oo waa wasiir iyo madaxwaynahiisii oo wayh balansan yihiin,wixii uu isaggu cabatin qabo iyo waxii ku kalifay inuu diidaba halkaas ayuu la sugayaa  oo wuu ka sheegayaa,anaga laftayaduna waanu la soconaa waana ka hawl galnay waxaanay ku dhamaan doontaa insha alllah sidii saxda ah ahayd”

Wasiir Caddami mar aanu wax ka waydiinay sababta keentay dhaliisha uu sheegay wasiirka biyuhu iyo cidda ay xukuumadda iska hayaan ayaa ku jawaabay

“Dhaliisha la isk hayo waan kuu sheegayaa waana is afgaran waa isaga (Wasiir baashe) iyo wasiirka madaxtooyadda ayey cabashadiisu ku eeg taay meeshiina madaxwayne ayay leedahay markaa hadda marxaladaas waa laga gudbay waxaana loo gudbayaa garnaqsi iyo nin walba waxa uu qabo madaxwaynaha ayuu  u sheeganayaa”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here