Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Si Adag Uga Hadlay Dhawaaqii Uu Safiirka Turkiga Ee Muqdisho Ku Marin Habaabiyay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya

0
58

(xog news)Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa  dawlada Turkiga ugu baaqay inay qaddiyada iyo madaxbanaanida Somaliland ixtiraamto,waxaanuu tilmaamay inaanu turkigu go’aan ka dhan ah Somaliland gaadhi Karin.

Wasiirka arrimaha dibadda Dr Sacad Cali Shire oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Africa ayaa sidoo kale ka hadlay safar uu ku soo maray shan waddan oo yurub ka tiirsan ,waxaana wasiirka oo ugu horeyn ka hadlay safarkii uu dalal yurub ka tirsan kusoo maray ayaa waxa uu yidhi

“Waxaan soo maray shan wadan oo kala ah Jarmalka,Belgium,Giriiga,Denmark,iyo Sweden,ujeedada safarkan waxa kamid ah carwo Somaliland ah oo ka dhacday dalka Jarmalka oo ganacsatadeena iyo ganacsato kale ay ka qayb galeen,waxaanu kulanay saraakiil ka socota wasaaradda arrimaha dibaa dalka jarmalka waxaanu culayska saarnay arrinka abaaraha sidii looga qayb qaadan lahaa aad bay nooso dhaweeyeen,wadamada kale ee aan tagayna waxaanu lasoo kulanay madaxdooda sifiican ayay noo qaabileen,waxaan aad ugu mahadnaqayaa dadkeena reer Somaliland ee wadamadaasi ku nool oo iyaguna si fiican noosoo dhaweeyey”

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shre mar aanu wax ka waydiinay sida uu u arko hadalkii safiirka Turkiga ee somalilya ayaa waxa uu ku jawaabay

“Ujeedada ay wada hadaladu u bilowdeen may ahayn midnimo ee inagu waxaynu wada hadalada u bilownay sidii aynu caalamka iyo somaliyaba aynu ugu sharaxi lahayn qaddiyadeena iyo inaynu nahay dal jira horena u jiri jirey iyo inaynu somaliya si wanaag iyo walaalnimo ku jirto u wada nolaano oo aynu u noqono laba dal oo jaar ah,turkigu inamuu dhex-dhexaadinayn ee gogosha ayuunbuu inoo fidiyay,hadal kasoo baxa iyo go’aana inama siin karo ee teena ayaynu ku soconaynaa ee wadanka Turkiga waxaan leeyahay ixtiraam oo xaq dhawr Somaliland iyo madaxbanaanideeda.”

Wasiir Sacad oo sidoo kale aanu wax ka waydiinay waxa uu ka og yahay diyaarado dhawaan duqeeyay deegaano Somaliland ka tirsan ayaa ku jawaabay

“Waxaanu ku jirnaa xog ururin,marka aynu helno xog rasmiya ee ay inoo soo baxdo cida leh diyaaradaha ayaynu kala hadli karnaa walibana baadhitaankii waa la wadaa”

Dhanka kale wasiirka mar aanu wax ka waydiinay inay kulan wada qaateen wadamada inaga caawiya doorsahada ayaa waxa uu ku jawaabay

“Haa waanu isa soo aragnay wadamada doorashooyinka inaga caawiya,waxay leeyihiin guddi,gudidaasna xaruntoodu waa Nairobi,hawsha doorashooyinkana inaga waxa inoo qabailsan komishanka doorashooyinka qaranka,Iyana way kulmeen,hawsha iyo qaban-qaabada doorashaduna si fiican bay ilaa hadda u socotaa”

Gabagabadiina wasiirka mar aanu wax ka waydiinay sida uu u arko xifaaltanka xisbiyada iyo waxa uu kula talinayo ayaa waxa uu yidhi

“Waxaynu nahay dal dimuqraadi ah oo qaatay habka nidaamka axsaabta badan,xisbiyadu muxaafad ha ahaadaan ama mucaarad ha ahaadaane waxaan ugu baaqayaa inay ka feejignaadaan qabyaalada oo aanay si xun u isticmaalin,waxa kale oo aan ugu baaqayaa inay si wada jir ah uga hawl galaan qaddiyada iyo harumarka Somaliland oo aanay eegin dan gaar ah”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Dr Sacad Cali Shire.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here