Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Oo Shaqadii Ka Joojiyay Agaasimihii Guud Ee Wasaaradda+Sababta

0
59

(xog news)Wasiirka wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac ayaa la sheegay inuu shaqadii ka joojiyay agaasimihii guud ee wasaarada khayraadka biyaha Somaliland.

Waxaana la sheegay in wasiirka iyo agaasimaha uu soo kala dhex galay khilaaf la xidhiidha arrimaha shaqada wasaaradda,iyaga oo sida la sheegayna isku maandhaafay mashruucyo ay wasaaraddu bixinaysay.

Wasiirka khayraadka biyaha ayaa waxa intaasi ka dib digreeto uu soo saaray shaqadi kaga joojiyay agaasimihii guud ee wasaaradaasi,waxaana xoguhu noo sheegeen in aanu agaasimuhu in muddo ahba kasoo xaadirin xafiiskiisa isla markaana uu dabad wareeg ahaa wasiirkuna uu ku balamiyay ciidanka ilaalada wasaaradda kuna amray inaanu soo galin.

Wasiirka khayraadka biyaha Baashe Cali Jaamac ayaa waxa wararku sheegayaan in uu wasaarada u magacaabay agaasime cusub  laguna magacaaba (Ina Khasaare).

Gabagabadiina khilaafkan soo kala dhex galay wasiirka iyo agaasimaha isla markaana sababay in wasiirku shaqada ka joojiyo agaasimaha ayaa waxa la sheegay inuu ahaa mid soo jiitamayay in muddo ah isla markaan ay isku maandhaafeen arrimo la xidhiidha shaqada wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here