Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Isku Shaandhayntii Uu Habeen Hore Sameeyey Madaxwayne Siilaanyo Iyo Qaabka Xilka Looga Qaaday Wasiirkii Biyaha Somaliland

0
90

Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI mudane Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde ayaa ka hadlay isku shaandhayntii uu habeen hore madaxwayne Siilaanyo ku sameeyey golahiisa xukuumadda.

Waxaana uu xoghayuhu madaxwayne Siilaanyo ku dhaliilay balanqaadkii uu sameeyey ee ahaa inuu dhisi doono dawlad tiro yar isla markaan Tayo leh taasi oo noqotay mid aan midho dhalin ,isaga oona xoghuyuhu arrinkaasi ku tilmaamay wax laga xumaado.

Waxaana mudane Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo arrimahaasi ka hadlay uu yidhi sida tan

“Madaxwayne balanqaadkii aad umaddan u balan qaaday inaad dhisi doonto dawlad tiro yar oo tayo leh,waxayy kasoo horjeedaa horumarkii iyo waxqabadkii umaddan looga baahnaa dawlad tiro yari inay wax u qabato oo tiradoodu ay kooban tahay oo tayo leh aadbaanu uga xunahay”sidaas ayuu yidhi mudane Uur-cadde,

Dhanka kale xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI waxa uu ka hadlay qaabka ay isku shaandhayntu u dhacday isaga oo xukuumaddana ku canaantay in ay tahay xukuumadda ay agaasimiyaashu ka awood sareeyaan wasiiradooda iy in wasiirada laftoodu kala awood sareeyaan iyaga oo labadaba uu madaxwaynuhu digreeto ku wada magacaabay isagoo arrimahaasi mar laabad ka hadlaya uu yidhi

“ Waxaanu runtii u aragnaa uun qaabka wax loo badalay baa iyaduna ah marka aad eegto golaha wasiiradda oo kale waxaad mooda xukuumadda maanta jirta ama ay tahay in agaasimayaasha qaarkood ka sareeyaan wasiiradooda iyo in wasiirada qaarkood ay ka sareeyaan wasiirada kale ee la midka ah ee digreetada lagu wada magacaabay “sidaas ayuu yidhi Maxamed Uur-cadde.

Xoghuyuhu waxa uu ka dhawaajiyay in lagu gafay wasiirka biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo xilka la qaaday, isaga oo xusay inuu ahaa masuulkii hirgaliyay in ay diiwaangalintu ka dhacdo gobolada bariga,isaga oo sheegay inuu ahaa wasiir dalka iyo dadkaba daacad u ah waxaana uu yidhi isagoo arrimahaasi ka hadlaya

“Runtii waxaanu u aragnaa Baashe Cali Jamaac in lagu gafay,uuna ahaa ninkii diiwaangalinta bari ka sameeyey umadda reer Somaliland oo dhan ayaa  og inuu ahaa nin karti leh inuu ahaa nin dadkan iyo dalkanba daacad u ah waxa lagu badalayna ay tahay waxa ay is diideen cid kamid ah wasiirada” sidaas ayuu yidhi Mudane Uur-cadde.

Gabagabadiina xoghayuhu waxa uu canbaareeyey xadhiga ay xukuumaddu kula kacday Ugaas Cabdiraxmaan Diiriye iyo siyaasi ka tirsan xisbiga WADDANI oo muddo ku xidhan magaalada Hargeysa,waxaana uu xukuumadda ugu baaqay in xorriyadooda si deg deg ugu soo celiso.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here