Xukuumadda Oo Dedaal Ugu Jirta Inay Hesho Lacagtii Xaqul Qalinka Ahayd Ee DP World Doorashada Ka Hor Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Wasiirrada Dubai Ku Sugan

0
62

Ma Dhabaa In Xukuumadda Lagu Leeyahay Kharashaadkii Ay Gashay Markii Ay U Ololaynaysay Ansixinta Heshiiska DP WORLD?

Wasiirro ka xukuumadda Somaliland ayaa bilawgii todobaadkan safar qarsoodi ah ugu baxay dalka isu tagga imaaraadka carabta halkaas oo ay kula kulmi doonaan wakiilo ka socda sherkadda DP World oo ay xukuumaddu ku wareejisay dekedda Berbera badhtamihii sanadkan.

Wasiiradan oo uu hogaaminayo Sacad Cali Shire, wasiirka arrimaha dibadda ayna ka mid yihiin, Madaxtooyada, Maaliyadda, Wasiirkii hore ee qorshaynta iyo maareeyaha dekedda Berbera ayaa ujeedada socdaalkoodu tahay inay sherkadda DP Wolrd kala soo xaajoodaan lacagtii xaqul qalinka ahayd.

3

Wararka ka soo baxaya waftigaas ayaa sheegaya inay kulamo la yeesheen wakiilada DP World, isla markaana laga wadahadlay saxeexa iyo kala qaadashada lacagihii xaqul qalinka ahaa ee saldhiga u ahaa heshiiska labada dhinac.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulamadaasi hordhaca balse arrinka xiisaha leh ayaa ah inay   waftiga Somaliland ka socda ka go’antahay inay lacagtaasi si dhakhso ah u helaan maadaama ay suurogal tahay inay doorashadu dhacdo March 2017, sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in xukuumadda lagu leeyahay lacago badan oo ay kharash garaysay wakhtigii ay ololaha ugu jirtay ansixinta heshiiskan, waana arrimaha keenaya inay DP World ku cadaadiyaan in saxeexyada dhiman hore loo dhamaystiro.

Ugu dambayn sida ay ilo lagu kalsoon yahay xaqiijiyeen xukuumadda ayaa aaminsan in lacagtan oo dhan 15 Milyan oo dollar ay ka caawin karto olaha doorashada oo iminkaba ay xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE bilaabeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here