Xukuumadda Somaliland Oo Aan Wali Ka Hadal Warkii Ay Hay’adda Sirdoonka Somaliya Ku Sheegtay In Gaadhi Laga Leeyahay Somaliland Ku Qarxay Somaliya

0
44

(xogmadhaafe news)6-Kadib qarax gaadhi oo maalintii Khamiistii ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ee dalka somaliya waxay qaraxa gaadhigaasi laamaha sirdoonka Somaliya sheegeen in lambarka gaadhigaas qarxay ku xidhnaa laga leeyahay dalka Somaliland.

Telefeeshinka afka dawlada Somaliya ku hadla ee SNTV ayaa baahiyay in hay’adda nabad sugida somaliya sheegtay in bileedh nambarka ku xiddhnaa gaadhigaasi laga leeyahay dalka Somaliland isla marka la fashiliyay qarax uu ka maleegayay gudaha magaalada Muqdisho waa siday ay hadalkooda u dhigeene.

Waxayna sirdoonkaasi sheegeen in iyadoo baadhitaan  lagu wado gaadhigaasi uu qarxay kuna qarxay kaantarool ku yaala duleedka magaalada Muqdisho ee Siinka-dheer,waxaana ragan sirdoonka ahi ay soo bandhigeen bileedh nambar cad oo aan u eekayn mid gaadhi qarxay ku xidhnaa waxaana ay sheegeen in gaadhigan qarxay uu ku xidhnaa taariko laga leeyahay Somaliland.

Maalinkii khamiista ayaa waxa magaalada Muqdisho ka socotay doorashada xildhibaanada sheeganaya inay matalayaan Somaliland ee u tartamaya aqalka hoose ee somaliya,taasi oo ka socotay xarunta booliska ee somaliya.

Xukuumadda Somaliland ayaan iyadu ilaa hadda wax jawaab ah ka bixin dhawaaqan kasoo yeedhay hay’adda sirdoonka Somaliya ee ay ku sheegayaan in gaadhigii Khamiistii qarxay uu ku xidhnaa taariko ama bileedh namber laga leeyahay Somaliland,taas oo uu u muuqata mid Somaliya ay kaga soo horjeedo nabada iyo xasiloonida ka hana qaaday Somaliland ee ka jirta iyo daacayado ay ku wiiqayaan qaranimada Somaliland,

Gabagabadiina gaadhiga ay sheegeen sirdoonka Somaliya inuu qarxay isla markaana uu ku xidhnaa bilaydh nambar laga leeyahay dalka somaliland ayaa ah kan aan halka hoose idiinku soo bandhignay,waxaana xusid mudan indhihiinuna ay arkayaan in gaadhiga qarxay ee ay sawiradiisu idiin muuqdaan iyo taarikada ay sheegeen inay ku xidhnayd aanay mid isku dhaw ahayn. Bileydh nambarka ay soo bandhigeen ayaa ah kan aan idin soo bandhignay umana muuqdo bilaydh nambar   ku xidhnaa gaadhi qarxay,waana kan sawirada gaadhiga qarxay iyo taarikada ay soo bandhigeene daawasho haboon

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here