Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay In Markabkii Shaakir Laga Dejiyay Hubkii

0
72

waran-cade

(Xogmadhaafe News) Wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay inay hubkii ka rogeen markabkii dhawaan ku soo xidhay dekeda Magaaladda Berbera, waxaanu tilmaamay in hubkaasi uu ahaa mid sharci-darro ah.

Wasiir Waran-cadde oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Berbera, waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay eedo Maamulka Puntland u soo jeeidyay Somaliland, waxaanu xusay halkaasi Wasiirka amniga Putlnad ka soo yeedhay uu dhaawacay darisnimadda Somaliland iyo Puntland.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayay, waxa uu yidhi “Waxaan halkan ka cadaynayaa Markabkii MV Shakir ee hubka siday in aanu xalay hubkii ka dejinay, waxaanu hubkaasi ahaa mid aanu garan-weynay cid leh iyo meel uu u socdo midna, inkastoo hadda ay jiraan dawladdo nagala soo xidhiidhay sidda dawladda Sudan oo nagala soo xidhiidhay , maadaama oo aan la ina Ictiraafsanayn haddana waxaynu nahay dal isagu is Ictiraafay oo caalamka ka mid ah meel muhiimana kaga yaala qaaradda Afrika iyo geeska Afrikaba.

Sidaa dartee nidaamka ay caalamka iyo UN-ku ku shaqeeyaan maadaama oo ay saaran-tahay cunaqabataynta hubka geeska afrika, waanu dejinay hubkaasi”

Wasiirku waxa uu jawaab ka bixiyay hadalkii Wasiirka Amniga Puntland Xasan Alloore, waxaanu yidhi “Ninkaa Dorraato hadlay wuxuu runtii waxyeelo wayn ku yahay wada hadalkii iyo wanaagii naga dhexeeyay Puntland.waxaanu u eegyahay Nin aan xataa u war hayn Siyaasadda Dawladdiisa ama maamulkiisa.waxaanu Umadda Somaliland u muujiyay Caddaawad aad u fool xun oo waxyeeli karta Cilaaqaadka labada dal”

Wasiir Warancadde waxa kale oo uu ku eedeeyay Wasiirka amniga Puntland mid hubka ka been sheegay aqoona u lahayn hubka, waxaanu yidhi “Wuxuu ka been sheegay Hubkan iyo waxa uu yahay. Hubka markii aanu qabanay 2 saac kadib waxaanu u sheegnay Qaramada midoobay,waxaanu u sheegnay Monitoring Groupka, in Hubkaasi yahay Hub aanu qabanay oo dekedda ku qabanay”

Wasiirku waxa uu sheegay in haddii Hubka Somaliland leedahay aanay Dunida u sheegteen “Ninka isagu wax wata ama Hub uu leeyahay la soo degaa dee iskuma qayliyo oo caalamka uma sheego, markaas arrintaas waxaanu u aragnay arrin Caddaawad ah, tusaale ahaan Bulshada Gobolada Bari ee Sool iyo Sanaag wuxuu ku sheegay dad Argagixiso ah, taas oo meel ka dhac ku ah Bulshada Gobolkaas degan iyo inuu waxyeelaynayo Cilaaqaadka naga dhexeeya annaga iyo Maamul goboleedka Somalia ee Puntland.waana arrin ay ka muuqato Xumaan,xiqdi iyo Xasad”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here